0

Mashruuc ay si wada jir ah isaga kaashadeen Hormuud Telecom Foundation iyo Ururka Midowga Ardayda ee Jaamacada Banaadir ayaa waxaa howlo caafimaad oo isugu jira daaweyn iyo Fiisito lacag la’aan ah loogu sameeyay Qoysaska ka soo barakacay Fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Bariga magaalada Jowhar. Dhaqaatiirtan ayaa waxaa la socday arday wax ka barata Jaamacada Banaadir qeybteeda caafimaadka waxaana daaweyn iyo fiiisito lacag la,aan ah ay u sameeyeen qoysaska ka soo barakacay dagaalada iyo fatahaadaha. Gudoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacada Banaadir Mahad Caabi Ciise oo dhaqaatiirta hogaaminayay ayaa sheegay in ay daweynayaan caruurta iyo dadka waa weyn oo ay ka dabiibayaan cudurada guud. – See more at: http://www.xaqdhowr.com/?p=14163#sthash.SrEBUy2B.dpuf

Leave a Comment