0

(09-Jun-2016) Hay’adda maxaliga ah ee Hormuud Foundation, ayaa deeq lacageed oo cadadkeedu gaaraya boqol iyo shan kun oo lacagta Mareykanka ah ($105,000) u qaybisay 21 xarumood oo lagu hayo carruurta agoonta.

Xarumaha deeqdan lacageed loogu yaboohay, ayaa ku kala yaala Magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos-tagga, waxaana xarumahaasi ka mid ah Daryeel Lafoole, Imaam Shaafici, Umu Caa’isha, Umul Quraa, Orphan Care, Xanaano Orphan, Halgan Orphan Care Center, Xarunta Agoonta Muqdisho iyo qaar kaloo badan.

Xaflad maanta lagu qabtay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho, ayaa maamulada xarumahan loogu qaybiyay lacagaha, si ay u gaarsiiyan carruurta agoonta, ee ku xareysan goobaha ay masuulka ka yihiin. Xarun kastana waxaa loogu talla-galay oo la siiyay shan kun oo dollar.

Hormuud Foundation, ayaa deeqdan ugu talagashay in carruurta agoonta ay kula ciidaan maalmaha ciidda, carruurta kale ee la nool waalidiintooda, si ay u dareeman farxadda ciidul fitriga.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay madasha xafladda, ayaa deeqdan ku sheegay mid qayb ka ah deeqaha ay Hormuud Foundation ugu talagashay in ay bixiso maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

“Tani waxay qayb ka tahay deeqaha ay bixinayso Hormuud Foundation maalmaha bishan Ramadanka ah. Maalmihii la soo dhaafay deeqihii aan dadka u qaybineynay ayuun bay qayb ka tahay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Hormuud Foundation waxaa ka go’an in ay sii wado kaalmada ay gaarsiinayso dadka kuwooda ugu nugul, inta ka harsan maalmaha bishan naxariista iyo fadliga badan.

Leave a Comment