0

Mudooyiinkii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaa ku dhufatay abaar baahsan taasoo ka dhalatay soo daahitaanka roobkii xiliga, iyadoo ay abaartaasi dhibaato ba’an u geysatay nolosha in badan oo ka mid ah dadka ku nool goboladaasi.
Meelaha ugu daran oo ay abaartaasi saameysay ayaa waxaa ka mid ah gobolka Gedo, halkaasoo ay ka dhacdey biyo la’aan iyo cunto yari intaba, iyo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Bakool.
Hey’adda HTF oo ah qeybta shirkadda isgaarsiinta Hormuud u qaabilsan gargaarka ayaa waxay u istaagtey inay gacan ka geysato sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed oo aay saameysey abaarta, gaar ahaan dadka ku nool gobolka Gedo, iyo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Bakool, iyadoo intii lagu guda jiray labadii isbuuc ee aan soo dhaafnay biyo dhaamin ka sameysay tuulooyiinka hoos yimaada magaalooyinka Garbahaareey, Ceel Waaq, Luuq iyo Beled Xaawo.
Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation Mudane Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa faafaahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey gaargaarka ay ka sameysay hey’addu goboladaasi wuxuuna warfidiyeenada u sheegay inay biyo dhaamin ka sameeyeen gobolada ay ku dhufatay abaarta, wuxuuna yiri: “Waxaan biyo dhaamin ka sameynay 54 tuulo oo hoos yimaada degmada Garbahaarey, 27 tuulo oo hoos yimaada degmada Ceel-waaq, 15 tuulo oo hoos yimaada degmada Luuq, iyo degmada Beled Xaawo. Dhanka kale waxaan iyana biyo dhaamin ka sameeyney qebo ka mid ah gobolka Galgaduud oo iyana aay ka dhacdey biyo yari baahsan, sidoo kale gobolka Bakool oo aan dhawaan dooneyno inaan gargaar gaarsiino”.
Dhinaca kale, waxaa iyana jirta Fatahaad ka dhacdey Gobolka Sh/Dhexe, taasoo cabsi iyo wal wal ku abuurtey dadka degan nawaaxiga magaalada Jowhar, iyagoo ka cabsi qabey ineey qabsato Fatahaadii qabsatey sanadkii hore mid la mid ah. Hey’adda Hormuud Telecom Foundation oo ka jawaabeysa arinkaas si looga hortago fatahaada, ayaa waxay biyo xirid ka sameysay afar goobood oo uu webiga Shabeelle bilaabey inuu kasoo fataho. Goobaha ay biyo xireenada ka sameysay mu’assasadu waxaa ka mid ah – Tuulada Xawaadleey, Tuulada Bayaxoow, Tuulada Mooyko, iyo Degmada Jowhar.

 

biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo biyo dhaamin HTF ka sameysay gobolka Gedo

Leave a Comment