
Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa waxay deeq shidaal ah gaarsiisay isbitaal Madiina kadib markii uu codsi uga yimid isbitaalka ee ku aaddan shidaalka ku baxa matoorka dabka siiya isbitaalka, munaasabadda lagu gudoonsiinayey shidaalkaa isaga ah ayaa waxay ka dhacday gudaha isbitaal Madiina, waxaana kasoo qeyb galey madaxda ugu sareysa hey’adda Hormuud Telecom Foundation, madaxda isbitaal Madiina, Saxaafadda iyo marti sharaf kale, Guddoomiyaha HTF mudana Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo goobta ka hadlay ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa: “Anaga oo ka jawaabeyna codsi uu noo soo gudbiyey Isbitaalka Madiina ee ku saabsanaa inaan ka kaalmeyno shidaalka ku baxa matoorka dabka siiya isbitaalka ayaa waxaan ku faraxsanahay inaan maanta ku wareejino isbitaalka shidaalkaan aad arkeysaan, kaasoo aan rajeyneyno inuu wax badan ka tari doono culeyska shidaal ee heysta isbitaalka.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxa ay garowsan tahay muhiimada shaqada uu isbitaalka Madiina u hayo umadda Soomaaliyeed ee u baahan adeeg caafimaad xiligaan adag ee lagu jiro, waxaana uu ka mid noqday isbitaalka kuwa ugu shaqada badan ee siiya adeeg caafimaad umadda Soomaaliyeed mudooyiinkii lasoo dhaafay, iyadoo la dhihi karo isbitaalka waxa uu qabtay hawlo caafimaad oo muhiin u ah bulshada Soomaaliyeed intii lagu jiray mudada burburka ah.”
Guddoomiyaha HTF wuxuu intaa ku daray ineysan ahayn markii ugu horeysay oo shirkada Isgaarsiinta Hormuud ay caawiso isbitaalka Madiina, waxay shirkadu horay ugu deeqday matoorada dabka dhaliya ee uu haatan isticmaalo isbitaalka, sidoo kale waxa ay siisay isbitaalka kaalmooyiin kala duwan oo wax badan u taray, dhanka kale waxaa jira qeybo ka mid ah isbitaalka oo ay shirkada horey u dhistay si loo balaariyo shaqada isbitaalka.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay agaasimaha isbitaalka Madiina wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay deeqda ay soo gaarsiisay Hormuud Telecom Foundation uuna kaga mahadcelinayo.
Hey’adda Hormuud Telecom Foundation waxa ay ka mid tahay hey’adaha sida joogtada ah uga warqaba isbitaalka, waxaana rajeyneynaa inuu isbitaalka sii laba laabi doono adeega caafimaad ee uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.
Mu’assasadu waxa ay caawisaa isbitaalada iyo goobaha kale ee siiya adeega caafimaad bulshada Soomaaliyeed, waxaanu dooneynaa inaan sii wadno caawinta aan caawineyno dhamaan hey’adaha bixiya adeega caafimaad haddii alle idmo.
Husein Hesri December 4, 2013 at 6:17 am
Waa arain lagu farxo runtii waana horumar waxaan leenahay muasasada hormuud sii wada howsha aad u heysaan umadda Soomaaliyeeed aabane ka suga thawaab+
Hormuud Teleocm Foundation March 23, 2014 at 8:35 am
aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad heegan ugu tahay nooguna dhiiri gelineyso inaan hawsheena aan sii wadano, dambi dhaaf dhameenteenaba alle ha inooga dhigo adna Alle haku barakeeyo iyo dhamaanba intii qeyrka jecel