0

Deeqdan dawada ah oo ay gaarsiisay hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa waxay ugu talagashay in lagu dabiibo bukaanada ku jira isbitaalka oo ay ka mid yihiin bukaano uu soo ritay cudurka shuban biyoodka kaa oo ka dhashay biyo ay ka cabeen ceel ku yaala degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye ku-xigeenka Hey’adda Hormuud Foundation Cumar Salaad Faarax oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegay in deeqda daawada ah u ugu tala galeen in lagula tacaalo bukaannada ku jira cisbitaalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hormuud Foundation ay saddex booyadood oo biyo nadiif ah gaarsiisay xaafadii dhowaan musiibada ka dhacay, kadib markii la xiray ceelkii biyaha, isla markaana biyaha ay u gaarsiiyeen si bani’aadanimo ah dadka ku nool xaafada Juungal.

Madaxa caafimaadka isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr. Cabdirisaaq Xasan Cali ayaa tilmaayay in dawadani ay kusoo beegantay xili ay u baahnaayeen, ayna uga mahadceliyaan mas’uuliyiinta Hormuud Telecom Foundation.

 

Dr Cabdirisaaq ayaa xusay in qaar ka mid ah bukaanadii uu dhawaan soo ritay cudurka shuban biyoodka ay iminka soo hagaageyso xaaladooda caafimaad, ayna jiraan kuwa kale oo lagu dabiibayo Isbitaalka.

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa ka qeyb qaadata howlaha sama falka iyo gar gaarka bani’aadanimada, iyadoo had jeer caawiso dadka danta yar iyo kuwa barakacayaasha ee dhibaatooyinka soo wajaha.

Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir Dawo loogu deeqay isbitaal Banaadir

Leave a Comment