0

Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta waxa ay deeq isugu jirtay lacag iyo raashiin ka qeybisay isbitaalada ugu weyn magaalada Muqdisho oo kala ah Madiina, Banaadir, Daynile, & Keysaney.

Deeqdani ayaa waxay ka mid tahay deeqo ay mu’assasadu ugu tala gashay iney ku taakuleyso kuna caawiso inta nugul ee bulshada ka mid ah intii lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waana mashruucii labaad ee ololaha Ramadan Campaign.

Munaasabada furista mashruucaan oo lagu qabtay hotel Shamow ayaa waxaa kasoo qeyb-galay madaxda Hormuud Telecom Foundation, madaxda isbitaalada Muqdisho, iyo marti sharaf kale.

Munaasabada oo furay madaxa Hormuud Foundation mudane C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa wuxuu ka jeediyey qudbad uu ku shaaciyey iney maanta ugu tala galeen iney taakuleeyaan bukaanada isbitaalada ugu weyn Muqdisho sida Madiina, Banaadir, Deyniile, iyo Keysaney.

“Bukaan kasta oo jiifay Isbitaalada Madiina, Dayniile iyo Keysaney, waxaan siinay lacag gaareysa $100 dollar, boqolaal ayey tiradoodu gaareysay, hase ahaatee Isbitaalka Banaadir, waxaan geynay raashiin bukaanada lagu afuriyo bisha Ramadaan, booyad shidaal ah iyo lacag lagu wareejiyey maamulka oo ah waxyaabaha ka dhiman afurka bishaas bukaanada la siinayo” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cusmaan.

Waxa uu intaa ku daray in sababta ay raashiinka iyo shidaalka u geeyeen isbitaalka Banaadir ay tahay in maamulka Isbitaalku uu sidaas codsaday ka dib markii ay ka tageen hey’adihii caawin jiray isbitaalka.

“Deeqdan waa qeybtii labaad ee Hormuud Foundation ugu talo gashay qeybaha bulshada bishan Ramadaan, maalmo ka hor 500 oo naafo ah ayaan gaarsiinay deeq lacageed, deeqo kale oo badan ayaana jiri doona, magaalada Muqdisho oo kaliyana kuma koobnaan doonto ee waxaan gaarsiin doonaa gobolada dalka ee shirkadu ay ka howlgasho” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha Hormuud Foundation.

Agaasimayaasha Isbitaalada dayniile, Keysaney, Banaadir Madiina iyo bukaanada loo qeybiyey deeqdan ayaa u mahad celiyey heyadda Hormuud Foundation iyagoo sheegay in hormuud ay tahay hormuudka xili walba bulshada Soomaaliyeed la qeybsada dhibaatada iyo xaaladaha soo food saara.

Hormuud Telecom Foundation ayaa waxaa la aasaasay sanad ka hor, waxayna mudadii ay jirtay fulisay mashaariic fara badan iyo kaalmooyin kala duwan oo ay gaarsiisay bulshada Soomaaliyeed kuwooda taagta daran.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20

Leave a Comment