0

(22-June-2015) Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq gar gaar ah oo ka mid ah ololaha Afurinta Bisha Ramadaan waxay ku gaarsiisay qeybo ka mid ah naafada Soomaaliyeed kuwaasoo hoos taga Daladaha u ololeeya naafada Soomaaliyeed.

Deeqdan oo ahayd lacag kaash ah ayaa hey’addu waxay guddoonsiisay 500 qoys oo ka mid ah naafada gurguurata iyo dadka araga la’ ama indhoolayaasha ah, kuwaasoo ah dadka caawinaada u baahan.

Guddoomiyaha hey’adda Hormuud Telecom Foundation Mudane: Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay goobta lagu guddoonsiinayey deeqdan naafada ayaa sheegay inay hey’addu deeq lacageed ay u qeybineyso 500 qoys oo ka mid ah naafada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Hormuud oo is kaashanaya ay go’aansadeen in ay gar gaar u fidiyaan dadka danyarta ah gar ahaan dadka naafada ah.

“Hey’addu maanta waxay meeshaan isugu keentay shan boqol oo qof oo isugu jira naafada nuucyadeeda kala duwan oo ah indhoolayaasha ama dadka araga la’ iyo dadka xubnaha la’, shantaa boqol oo qof insha’allaahu waxaan maanta siineynaa qofkiiba 100 doolar oo aan ugu tala galnay in uu ku afuro” ayuu yiri Muuse.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Sheekh: Cumar Salaad Faarax oo dadka wax heysta ku baraarujiyey inay ku deydaan Hormuud Foundation.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay guddoomiyaha Dalada Xoogsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN) Dr. Cabaas Ismaaciil Cadow, hadaladiisana waxaa ka mid ahaa “waxaan halkaan ugu mahad celineynaa dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Hormuud oo ah shirkadda mar kasta taakuleysa bulshada danyarta ah waxaana maanta halkaan ku sugan 500 qof oo ah naafada ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaana waajib nagu ah inaan u wada duceyno shirkada Hormuud” ayuu yiri Dr. Cabaas.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxay ka mid tahay shirkadaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay waxayna mar walba garab istaagtaa oo caawinaad u sameysaa dadka dhibaateysan ee u baahan caawinaad iyadoo caawinaada usoo marisa qeybteeda samafalka ee Hormuud Foundation, waxayna soon kasta ay fulisaa barnaamij loogu magac daray Ramadaan Campaign kaas oo lagu caawiyo dadka taagta daran, waxaana gargaar afurin lagu gaarsiiyaa Naafada, Maxaabiista, Bukaanada Isbitaalada, Agoonta, Indhoolayaasha,Masaajida, iwm; waxaana deeqdan ka horeysay deeq la gaarsiiyey Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyo Naafada Xoogga Dalka ee ku jirta isbitaalka Martiini.

 

Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed Sawirada Afurinta Naafada Soomaaliyeed

Leave a Comment