0

Xaflad lagu qabtay Hotel SYL oo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano, salaadiin, madaxda Hormuud Foundation, madaxda SOHEDA, waaliddiin, saxaafada, & marti sharaf kale ayaa waxay hey’adda Hormuud Telecom Foundation ku guddoonsiisay xildhibaanadda qaranka Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ah aasaasayaashii jamciyada SOHEDA lacag gaareysa $12,000 oo loogu talagalay inay wax ku bartaan 100 arday oo danyar iyo agoon isugu jira muddo sanad ah.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation Mudane Muuse Axmed Nuur oo ku wareejiyey deeqdan lacageed jamciyada SOHEDA ayaa sheegay iyadoo ay Hormuud Foundation ka jawaabeyso codsi horey uga soo gaaray madaxda SOHEDA oo ku aadanaa in laga saacido qarashaadka wax lagu bari lahaa ardaydaan ayaa sheegay ka Hormuud ahaan inay balan qaadeyso lacagaha waxbarasho ee 100 arday sanad walbana xiligaan oo kale (Septembar walba) inay sidaan u bixin doonto lacagahaasi.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka guddoontay deeqdan lacageed maamulka Hormuud Foundation ayaa sharaxday qarashaadka ku baxa ardayda waxbarashadooda iyadoo sheegtay qarashka ku baxa halkii cunug waxbaridiisa inay tahay boqol doolar ($10) bishii taasoo ka dhigeysa 12 bil ama sanadkii $120 (Boqol iyo labaatan doolar), 100 canug waxay keeneysaa $12,000, waxayna aad uga mahadcelisay maamulka shirkadda Hormuud iyo Hormuud Foundation iyadoo ku amaantay sida deg dega ah ee ay ugasoo jawaabtay codsigooda hey’adda Hormuud.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay salaadiin iyo xildhibaano oo dhamaantood bogaadiyey arinta ku dayashada mudan oo ay ku dhaqaaqday hey’adda Hormuud Telecom Foundation.

Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA Hormuud Foundation oo deeq lacageed siiyey SOHEDA

Leave a Comment