Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Bukaano jiifa Isbitaalo ku yaala Muqdisho Posted July 3, 2016 by Hormuud Teleocm Foundation

0

(07-Jun-2016) Hey’adda Sama falka ee Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay bukaanada ku jira isbitaalada ugu waa weyn magaalada Muqdisho sida Madiina, Banaadir, Dayniile, Keysaney, iyo Lansaleeti.

Deeqdan lacageed ee la gaarsiiyay Bukaanada ku jira isbitaalada ayaa ulajeedkeedu ahaa inay ku kaalmeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bukaanada ku jira isbitaaladan ayaa ruux walba waxaa la guddoonsiiyey lacag kaash ah oo gaareysa boqol doolar ($100).

Maamulayaasha Isbitaaladan ayaa ka mahad celiyay deeqda lacageed ee Hormuud Foundation guddoonsiineyso bukaanada, iyagoo xusay in Hormuud Telecom Foundation ay tahay hey’ada kaliya ee kaalmada soo gaarsiisa Isbitaalada.

Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Telecom Foundation C/raxmaan Ibraahim Cilmi (Ookiyaale) ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala galeen bukaanada inay u kaalmeystaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Deeqdani ma ahan tii ugu horeysay ee aan bixino inta lagu jiro bishan Ramadaan mana noqon doonto tii ugu dambeysay”ayuu yiri Guddoomiyuhu Hey’adda Hormuud Foundation.

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa tan iyo markii Bisha Ramadaanka ay bilaabatay, waxay wadday bixinta kaalmooyin kala duwan, kuwaasoo ay ku Caawinayso Dadka dan-yarta ah sida; Naafada, Maxaabiista, Agoonta iyo midka manta ee Bukaannada ku jira isbitaalada Muqdisho.

Leave a Comment