0

Deeqdani isugu jirtay dhar, raashiin iyo xoolo nool ayaa hey’adda samafalka Hormuud Telecom Foundation waxa ay gaarsiisay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho xili ay madaxda xabsiga ay ka cawanayeen cuno yari soo food saartay maxaabiista ku jira xabsiga.

Munaasabada deeqdan lagu wareejinayey ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada & arimaha dastuurka mudane C/llaahi Bille Nuur, taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed General Xuseen Xasan, taliyaha xabsiga dhexe gaashaanle sare Maxamed Shiikh, Madaxa saadka ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Madaxda sare ee Hormuud Foundation, Mas’uuliyeen ka socda shirkadda Hormuud Telecom, & xubno kale.

Madaxa Hormuud Telecom Foundation mudane C/llaahi Nuur Cusmaan oo saxaafada kula hadlay goobta ayaa sheegay iney deeqdani ay qeyb ka tahay hawlo samafal loogu talagalay bisha Ramadaan ee soo socday maalmihii lasoo dhaafay kaasoo lagu taakuleenayey qeybaha nugul ee bulshada haday ahaan lahayd kuwa araga la’, Naafo, iyo bukaanada ku jira isbitaalada waa weyn ee Muqdisho.

“Deeqdani waxaan ugu tala galnay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe, waxa uuna ka kooban yahay: Raashiin noocyadiisa kula dugan, Dhar, iyo Xoolo Nool (Geel). Haddii aan sii cayimo; sokorta waa 100 loor, Bur 100 loor, Saliida wax lagu kariyo shan fuusto (5 fuusto), timir 125 kartoon (1,000 kilo), Caleen-Shaah 5 jawaan, cabitaanka foostarka 10 kartoon, Dharka Ciidda 1,315 joog oo isugu jira 1,300 oo rag ah & 15 oo dumar ah, Shan neef oo geel ah nooca birimada” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Wuxuu intaa ku daray iney gargaarkaan mid la mid ah ay horay usoo gaarsiyeen xabsiga uusan noqon doonin kii ugu dambeeyey ee ay garab istaagi doonaan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Xuseen Xasan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay ineysan Hormuud ay ahayn markii ugu horeysay ee ay wax u keento, isagoo si weyn uga mahad celiyey deeqdan maanta ay soo gaarsiisay hey’adda Hormuud Telecom Foundation.

Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada & arimaha dastuurka mudane C/llaahi Bille Nuur oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay iney si weyn uga mahad-celinayaan raashiinkaan faraha badan ee ay soo gaarsiisay hey’adda Hormuud Foundation, wuxuuna intaa ku daray iney tahay wax lagu faano hey’ad gudaheena ka dhisan ay garab istaagto bulshada inteeda nugul waliba iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hey’adda Hormuud Telecom Foundation oo la aasaasay 25-May-2013 mudadii yareyd oo ay jirtay ayaa waxay in badan hawlo samafal ka fulisay gudaha dalka, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay ka fulisay dalka mashaariic si weyn loogu diirsaday oo ay ka mid ahayd mashruucii weynaa ee Ramadan Campaign kaasoo in badan oo bulshada ka mid ah ay ka faa’ideysteen, sanadkaana ay sii labo jibaartay arimaha bulshada wax weyn ka tari kara laguna caawin karo.

Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga Deeq loogu deeqay maxaabiista xabsiga

Leave a Comment