0

(16-Jun-2015) Hey’adda samafalka ee Hormuud Telecom Foundation ayaa waxay deeq ka koobneyd raashiin, xoolo nool, & dharka ciida ay gaarsiisay maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, taas oo ay ugu talagashay in lagu quudiyo maxaabiista intii lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Munaasabada kala wareegida deeqdan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubnaha sare oo ka socday dowladda, guddoomiyaha cusub ee Hormuud Foundation, & Madax sare oo ka socotay shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaana la wareeegay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jan. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation Mudane: Muuse Axmed Nuur ayaa wuxuu faafaahin dheeraad ah uu ka bixiyey kaalmadan ay soo gaarsiisay hey’adda wuxuuna yiri:

“Hadaan waxyar idin kaga sheego alaabta meesha taala waa sadax boqol oo loor oo bariis ah sadax boqol loor oo sonkor ah, boqol loor oo bur ah, afar kun & afar boqol kilo oo timir ah, kun liitar oo saliida wax lagu karsado ah, boqol gasac oo sharaab ah, boqol iyo konton kiilo oo caleen ah, kun iyo labo boqol oo joog oo isugu jira macaawiso iyo funaanado iyo ilaa labaatan dumar ah dharkood, iyo shan neef oo geel ah” ayuu yiri Muuse.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo gaas Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hormuud Foundation garab istaageeda maxaabiista iyo dadka danyarta ah waxaana uu balan qaaday in dadka loogu talo galay la gaarsiin doono.

“Waxaan mahad u celineynaa Hay’ada kheyriga ah ee Hormuud Foundation waana ka aqbalnay hadiyadii ay walaalaheena ka mid ah dadka ugu tabarta daran maxaa yeelay dad xuriyadii laga qaaday Qof ka tabar darani ma jiro” ayuu yiri taliyuhu.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa waxaa isna uu ku bogaaadiyay Hay’ada Hormuud Foundation iyo cid kasta oo dooneysa in ay caawiso danyarta in ay sii wadaan oo ilaahay dartiis ay u bixiyaan sadaqada.

“Waxaad fulineysaan waa qowlkii ILAAHAY ee ahaa (isugu kaalmeysta Kheyrka iyo wanaagga, ha isugu kaalmeyna dembiga iyo xumaanta) xadiiskii rasuulkana wuxuu ahaa (Qofkii aan naxariisan loo naxarisan mayo, isu naxariista si uu ilaahay idibkugu wada naxariisto) Kheyrka nuucaasi oo kale ah runtii aad buu u badan yahay ajarkiina ilaahay idinkama dayacayo”. Waxaa sidaa yiri Dr. Axmed.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka cadaalada xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo gabagabadii ka hadlay ayaa mahad celin ka dib ugu baaqay Hormuud Foundation iyo hay’adaha kaleba inay caawiyaan dadka danyarta ah.

“Hormuud Foundation waa run sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu ma ahan markii ugu horeysay waxaa weeye mar kasta oo kheyrka loo ordayo hormuud bey ka yihiin, shirkadaha kalena waxaan leeyahay adinkuna lasoo gaara wixii tabartiina cidna la qasbi maayee wixii tabartiina ah adinkuna wax ku bixiya”.ayuu yiri Wasiirka.

Mashruucan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ololaha Ramadan Campaign (2015) oo ay hay’addu sanad walba qabato, waxaana kaalmo lagu gaarsiiyaa qeybaha nugul ee bulshada ka mid ah si loogu afuriyo.

taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista taakuleynta maxaabiista

Leave a Comment